Joleon Lescott Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League

Daaficii hore ee Manchester City, Joleon Lescott, ayaa magacaabay Bayern Munich inay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Lescott ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Bayern Munich ay dhowaan 2-1 kaga badisay Paris Saint-Germain Arbacadii.

“Ma dhaafi kartid Bayern Munich iyo waxa uu Vinny [Vincent Kompany] halkaas ka qabanayo,” ayuu Lescott ku yiri wareysi uu siiyay Metro UK.

“Waa inaad u eegtaa iyaga inay yihiin kuwa ugu cadcad.”

Bayern Munich ayaa ugu dambeysay ku guuleysiga Champions League sanadkii 2020.

Xilli ciyaareedkii hore, waxaa laga reebay tartanka wareegga is-reebreebka.

Xilli ciyaareedkan, kooxda haysata horyaalka Bundesliga ayaa haatan hoggaanka u haysa heerka kooxaha ee Champions League, iyagoo leh 12 dhibcood kadib afar kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga