Kooxda Manchester City ee Ingiriiska ayaa guul weyn oo ay u qalantay ka gaartay Liverpool, kadib markii ay ku garaaceen 3–0, ciyaar ka dhacday garoonka Etihad fiidnimadii maanta, taasoo qeyb ka ahayd kulamada wareegga 11-aad ee horyaalka Premier League.
City ayaa si xoog leh ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo si buuxda u maamuleysay daqiiqadihii hore, ka hor inta aysan hoggaanka ku qaban gool uu dhaliyay Erling Haaland daqiiqaddii 29-aad, inkastoo isla ciyaaryahankaasi uu hore u khasaariyay rigoore uu tuuray daqiiqaddii 13-aad
Kahor dhamaadka qeybtii hore, ayaa kooxda martida loo ahaa sii xoojisay hogaankeeda, kaddib markii Nicolás González uu dhaliyay goolkii labaad daqiiqaddii 45+3, taasoo City ku galisay nasashada iyadoo si cad u gacan sarreysay.
Qeybta labaad, kooxda cirka ah ee Manchester City ayaa sii waday awooddeeda, waxaana ay ku dareen goolka saddexaad daqiiqaddii 63-aad oo uu dhaliyay garabka reer Belgium Jeremy Doku, kaddib dadaal shaqsi ah oo uu ku jebiyay difaaca Liverpool, taasoo xaqiijisay guusha buuxda ee wiilasha Guardiola.
Dhanka kale, Liverpool ayaa u muuqatay koox jahwareersan oo kala daadsan, iyadoo gabi ahaanba ku guuldareysatay inay khatar ku abuurto goolka Man City intii ay ciyaartu socotay.
Khadka dhexe ayaana la waayay isku xirnaan iyo awood ay ku haystaan kubadda, halka isbeddelladii uu sameeyay tababaraha reer Holland Arne Slot aysan wax natiijo ah keenin, iyadoo kooxda ay sii waday dhibaatooyinkeeda weerar ee joogtada ah.
Guushan ay gaartay City, ayaa ku kordhisay dhibcohooda ilaa 22, iyagoo fariistay kaalinta labaad si ay cadaadis ugu sii saaraan kooxda horyaalka haysa, halka Liverpool ay ku ekaatay 18 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta siddeedaad, taasoo ahayd mid ka mid ah guuldarrooyinkeedii ugu xumaa xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment