Owen Hargreaves Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Doonto Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Owen Hargreaves, ayaa saadaaliyay in kooxda Red Devils ay xilli ciyaareedkan ku dhammayn doonto afar-ta sare ee Premier League.

Xiddigan reer England ayaa saadaashiisa bixiyay kadib barbaraha 2-2 ee Manchester United la gashay Tottenham Sabtidii.

“Xilli ciyaareedkii hore ciyaartan way lumi lahaayeen, si daacad ahna, waxay ahayd ciyaar ay u qalmeen inay guuleystaan,” ayuu Hargreaves u sheegay TNT Sports.

“Ma jiraan ciyaaro Yurub ah, haddana haddii aad eegto kulamada soo socda — Everton, Crystal Palace, West Ham, iyo Wolves — markay kuwaas dhamaadaan, waxaan u maleynayaa inay noqon doonaan kaalinta labaad, ayna geli doonaan xaalad ay si dhab ah ugu dagaallami karaan,” ayuu yiri Hargreaves.

“Haddii aad taas ku darto in aysan haysan ciyaaro Yurub ah, Manchester United waxay ku dhamaysan doonaan kaalinta 4-aad”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga