WARBIXIN: 4 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Man City Vs Liverpool.

Labada kooxood ee xukumayay kubadda cagta Ingiriiska sideedii xilli ciyaareed ee Premier League ee ugu dambeysay ayaa isku wajahaya Axadda.

Kulamada u dhexeeya Manchester City iyo Liverpool ayaa inta badan saameyn toos ah ku yeesha tartanka horyaalka Premier League, balse xilli ciyaareedkan xaaladdu wax yar ayay ka duwan tahay. Arsenal ayaa si cad u hoggaamineysa horyaalka bilowga ol’olahan, taasoo ka dhigan in City iyo Liverpool ay hadda kaliya dagaallamayaan si ay ula socdaan kooxda Mikel Arteta.

Ugu yaraan mid ka mid ah labada koox ayaa dhibco lumin doonta usbuucan, waxaana kooxda laga badiyo—haddii uu jiro guuldarreyste—ay wajihi doontaa cadaadis weyn marka la gaaro fasaxa caalamiga ah ee November.

Erling Haaland vs. Ibrahima Konaté

Kaliya laba koox ayaa Erling Haaland ka joojiyay gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan aana Tottenham Iyo Aston Villa kuwaas oo xiddiga ka joojiyay goolka xilli uu ilaa haatan dhaliyay 27 gool tartamada oo han.

Xiisaha ayaa ah in labadii kulan ee Haaland uusan shabaqa soo taaban, City-na aysan labadaba guuleysan.

Marka la eego dhibaatada daafac ee Liverpool xilli ciyaareedkan qaab ciyaareedka Haaland ayaa cabsi ku ah daafaca Liverpool.

Waxa Haaland ka hor iman doona daafaca dhibaatoonaya ee Konate kaas oo sameeyay khaladaad badan xilli ciyaareedkan kuwaas oo sababay goolal.

Haaland ayaa isku dayi doona in uu ka faa’iidaysto dhibaatada Konate si uu u dhaliyo goolal una sii wado qaab ciyaareedkiisa fiican.

Jérémy Doku vs. Conor Bradley:

Conor Bradley ayaa ah xiddiga loogu hadal haynta badan yahay kadib markii uu joojiyay Kylian Mbappé Iyo Vinícius Júnior kulankii champions League.

Xiddiga Bradley ayaa haatan loo baahanyahay in uu joojiyo xiddig kale oo qaab ciyaareed fiican ku jira waana xiddiga Man City ee Jérémy Doku.

Nico González vs. Dominik Szoboszlai:

Kubada casriga ah waxa go’aamiya ciyaaraha Khadka dhexe iyada oo kooxda looga awood badato Khadka dhexe ay inta badan dhibaatooto.

Xiddiga Liverpool ee Dominik Szoboszlai Ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican iyada oo Xiddigu door weyn ka ciyaaray guulaha kooxda.

Waxa ka hor iman doona xiddiga Nico González kaas oo u baahan in uu isna is muujiyo hadii uu doonayo in uu kooxdiisa u maamulo Khadka dhexe ciyaarta.

Matheus Nunes vs. Cody Gakpo:

Matheus Nunes ayaa xilli ciyaareedkan si fiican uga ciyaaraya daafaca Midig iyada oo Guardiola u adeegsato ooskaas.

Xiddiga reer Portugal ee Matheus Nunes waxa uu ka hor iman doonaa xiddig qaab ciyaareed fiican ugu jira Liverpool ee Cody Gakpo kaas oo dhaliyay goolal muhiim ah xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga