Tababaraha reer Spain ee Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay barbaraha kooxdiisu la gashay Sunderland oo 2-2 ku dhammaaday, taasoo qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.
Laba-da gool ee Arsenal waxa u dhaliyay xiddigaha Bukayo Saka daqiiqaddii 54-aad iyo Leandro Trossard daqiiqaddii 74-aad.
Dhanka kale, labada gool ee kooxda martida loo ahaa Sunderland waxaa dhaliyay Daniel Ballard daqiiqaddii 36-aad iyo Brian Brobbey daqiiqaddii 90+4-aad.
Arteta, isagoo la hadlayay mareegta Football London, ayaa yiri:
“Si cad ayaan u niyad-jabnay sababtoo ah waxaan rabnay saddexda dhibcood, waxaana ku qasbanaanay inaan la ciyaarno kulan runtii adag.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Goolkii koowaad ee nalaga dhaliyay waa gool aan iska ilaalin karaynay, laakiin ka dib waxaan aaminsanahay in jawaabtii kooxda ay ahayd mid cajiib ah — waxaan muujinnay dabeecaddeenna iyo geesinimadeenna.”
Arteta ayaa hadalkiisa ku daray:
“Sunderland waxay dhaliyeen laba gool, laakiin annaga ayaa gebi ahaanba xakumaynay ciyaarta.”
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale yiri:
“Waxaan ogayn tan iyo bilowgii in kulanka garoonka Sunderland uu noqon doono mid adag, balse horyaalka Premier League ma jiro garoon aad marti ku tahay oo aad ku dareemayso raaxo.”
Be the first to comment