Sunderland Oo Joojisay Tareenkii Guulaha Ee Arsenal, Bar-Baro Ayay Ku Qabteen.

Kooxda Sunderland ayaa jabisay silsiladdii guulaha Arsenal ee horyaalka Premier League-ka, kadib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen.

Kooxda martida loo ahaa ayaa dhalisay goolka koowaad oo uu dhaliyay Daniel Ballard daqiiqaddii 36aad.

Arsenal ayaa dhalisay goolka barbaraha oo uu dhaliyay Bukayo Saka daqiiqaddii 54aad.

Leandro Trossard ayaa u dhaliyay goolka labaad ee Gunners daqiiqaddii 74aad.

Laakiin Sunderland ayaa awoodday inay hesho goolka barbaraha daqiiqaddii 94aad, waxaana u dhaliyay Brian Brobbey.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga