Kooxaha Premier League Ma Heli Doonaan Booska 5-aad Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe? UEFA Ayaa Soo Saartay Qiimayn Cusub.

Waxaa jira lix kooxood oo Premier League ah oo ka qeyb galaya Champions League xilli ciyaareedka 2025/26, balse tiradaas waxay hoos ugu dhici kartaa afar xilli ciyaareedka soo socda.

Afarta ayaa ah tirada caadiga ah ee horyaalka, laakiin guushii Tottenham ee Europa League ayaa u oggolaatay inay is-qoraan, sidoo kale dhibcaha qiimaynta premier League ayaa ayaa fursad dheeraad ah siisay kooxda kaalinta shanaad ku dhamaatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, Newcastle United.

Qiimaynta ayaa weli muhiim u ah helitaanka booskaas dheeraadka ah xilli ciyaareedkan. Laba horyaal oo qaran oo kooxahoodu ugu wanaagsan yihiin celcelis ahaan tartamada saddexda kooxood ee UEFA ayaa heli doona boos dheeraad ah oo Champions League ah, iyadoon loo eegin tirada kooxaha ay hadda haystaan.

Xilli ciyaareedkii hore, labada horyaal ee helay booskaas dheeraadka ah waxay ahaayeen Ingiriiska iyo Spain. Todobada koox ee Premier League ayaa celcelis ahaan heleen 29.464 dhibcood oo qiimaynta ah halka todobada koox ee La Liga ay ahaayeen kaalinta labaad iyagoo helay 23.982 dhibcood, halka Talyaaniga uu si dhow uga haray kaalinta saddexaad.

Kooxuhu waxay dhibco ka helaan qaab ciyaareedkooda Iyo natiijooyinkooda tartamada urub ma ahan kaliya chamions League laakiin sidoo kale Europa League iyo Conference League.

Xilli ciyaareedkii hore, iyadoo labo koox ay gaareen finalka Europa League iyo hal koox ay gaartay finalka Conference League, Premier League ayaa hogaanka haystay. Weli waa bilow marka laga hadlayo boosaska u soo bixista champions League xilli ciyaareedka soo socda, hase yeeshee sidan ayaa xaaladdu u muuqataa ilaa hadda bartamaha qeybta horyaalka.

Sida laga soo xigtay xogta ugu dambeysay ee UEFA, Premier League ayaa mar kale u muuqata mid ku socota helitaanka booska shanaad.

Kooxaha Ingiriiska ayaa celcelis ahaan helaya 9.944 dhibcood xilli qoraalkan la sameynayo, halka Jarmalka ay ku jiraan kaalinta labaad iyagoo heleen 8.857 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga