Tababarihii halyeeyga ahaa ee Arsenal, Arsène Wenger, ayaa sheegay in Arne Slot uu “burburiyay” kooxdiisa Liverpool kadib markii uu xagaagii lasoo dhaafay la saxiixday Florian Wirtz.
Kooxda Reds ayaa ku bixisay in ka badan £400 milyan saxiixyo cusub, kaddib markii Slot uu ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.
Sidaas darteed, dad badan oo ciyaaraha falanqeeya ayaa filayay in Liverpool ay noqoto mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Yurub.
Laakiin kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa durba laga badiyay lix kulan dhammaan tartamada, waxayna 7 dhibcood ka hooseeyaan kooxda Arsenal oo haatan loo arko kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkeedii, kadib markii ay guul ka gaareen Aston Villa horyaalka, kaddibna 1–0 kaga adkaadeen Real Madrid tartanka Champions League habeenkii Salaasada.
Si kastaba, Arsène Wenger ayaa su’aal galiyay go’aanka lagu jebiyay khadka dhexe ee guuleystay xilli ciyaareedkii hore si loogu soo daro Florian Wirtz.
Wenger oo la hadlay beIN SPORTS ayaa yiri:
“Liverpool waa tusaale xiiso leh. Markii Wirtz uu dooranayay inuu u dhaqaaqo Bayern Munich ama Liverpool, wuxuu u sheegay Liverpool: ‘Waxaan idin imaanayaa haddii aan ciyaaro booska lambarka 10, ma doonayo inaan ciyaaro garabka.’ Si ay u helaan, Liverpool waxay tiri ‘waan oggolahay.’
“Sidaas darteed, waxay bilowday in lagu ciyaarsiiyo booskaas, taasina waxay burburisay khadkoodii dhexe oo ahaa [Ryan] Gravenberch, [Alexis] Mac Allister iyo [Dominik] Szoboszlai. Si ay Wirtz u ciyaarsiiyaan, waxay kursiga u fariisiiyeen Szoboszlai.”
Be the first to comment