Slot Oo Kashifay Sirta Ka Caawisay Kooxdiisa In Ay Garaacdo Real Madrid.

Tababaraha reer Holland ee Liverpool, Arne Slot, ayaa daaha ka rogay sirta guusha kooxdiisu ka gaartay Real Madrid kadib markii ay 1–0 ku badiyeen kulankii afraad ee wareegga kooxaha tartanka Champions League.

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleysatay inay hesho saddexda dhibcood ee ciyaarta, kadib markii Alexis Mac Allister uu dhaliyay goolka kaliya ee kulanka daqiiqaddii 61-aad, ciyaar ka dhacday garoonka Anfield Road.

Arne Slot ayaa hadal uu siiyay BBC Sport yiri:

“Waa wax faa’iido leh in lagu ciyaaro taageerayaasheena hortooda,Inaad la ciyaarto Real Madrid waxay ka soo saartaa ciyaartoyda kooxdayda waxqabadkoodii ugu fiicnaa — sidoo kale waxay kicisaa taageerayaasha si ay u muujiyaan taageeradooda ugu xooggan.”

Wuxuu sii raaciyay isagoo leh:

“Waxaan soo bandhignay ciyaar weyn oo aan kaga horjeednay koox aan laga badin wax ka badan hal kulan xilli ciyaareedkan oo dhan.”

Tababaraha Liverpool ayaa intaas ku daray:

“Ka hor ciyaarta ayaan sheegay in Real Madrid ay dhalisay 26 gool horyaalka Spain, halka Kylian Mbappé iyo Vinícius Júnior ay labadooduba si wadajir ah uga qeyb qaateen 24 gool.”

Wuxuu sii watay hadalkiisa:

“Waxaan idhi haddii aad rabto inaad kulankan guulaysato, waa inaad hubisaa in Mbappé iyo Vinícius aysan ka mid noqonin liiska gooldhallinta ciyaarta.”

Ugu dambayn, wuxuu faahfaahiyay fikirkiisa isagoo leh:

“Kooxdu guud ahaan si heer sare ah ayay u difaacday — ha ahaato marka ay cadaadis sare saarayeen ama marka ay ku jireen difaac hoose”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga