Gary Neville Oo Saadaaliyay Halka Ay Chelsea Kaga Dhamaysan Doonto Premier League.

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa saadaaliyay booska ay kooxda Chelsea kaga dhammaan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad ee jadwalka Premier League, kadib guushii 1–0 ee ay ka gaareen Tottenham Hotspur dhammaadkii toddobaadkii.

Blues waxay ka dambeyaan kooxaha sida Arsenal, Manchester City, Liverpool, Bournemouth, iyo Spurs oo ku jira kaalmooyinka sare ee jadwalka.

Si kastaba ha ahaatee, Neville wuxuu aaminsan yahay in kooxda uu hogaamiyo Enzo Maresca ay xilli ciyaareedkan ku dhammaan doonto afarta sare ee Premier League, isagoo intaas ku daray in tartanka boosaska sare uu noqon doono mid “isku dhex yaacsan” xilli ciyaareedkan.

Isagoo la hadlayay barnaamijka Peacock ee NBC Sports, halyeeyga Ingiriiska ayaa yiri:

“Dhibaatadu waxay tahay in Premier League uu sanadkan aad u aan degganayn, dhammaan kooxuhuna waa kuwo aan joogto lahayn.

Marka aad fiiriso jadwalka horyaalka iyo waxa socda, xaqiiqadu waxay tahay in Tottenham ay weli ka horreyso Chelsea,” ayuu yiri Neville.

“Waxaan filayaa in Chelsea ay yeelan doonto awood ku filan oo ay ugu soo baxdo afarta sare, sababtoo ah xilli ciyaareedkan wuu noqon doonaa mid waalan guud ahaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga