Guardiola: Haaland Waxa Uu La Heer Yahay Ronaldo Iyo Messi.

Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in Erling Haaland uu joogo isla heerka ay joogaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Guardiola waxa uu sidaas ku sheegay wareysi uu bixiyay kadib ciyaartii uu Haaland labo gool ka dhaliyay kulankii Premier League ee ay Man City 3-1 ku garaacday Bournemouth Axaddii.

Waxa uu yiri Guardiola: “Waxaan ciyaarnay si aad u wanaagsan, dabcan. Mar kale, Erling [Haaland] ayaa ahaa mid go’aaminaya natiijada ciyaarta.”

“Waxay wax yar la mid tahay markaad la ciyaarayso [Lionel] Messi ama Cristiano [Ronaldo], ma ogtahay? Saameyntoodu aad bay u weyn tahay.

“Ma gaadhay [Haaland] heerkaas? Haddii aad eegto tirada goolashiisa, haa, dabcan, wuxuu jooga heerka tirooyinka ay lahaayeen Cristiano iyo Messi.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga