Trent Alexander-Arnold ayaa shaaciyay inuu qoslay markii uu ka fikirayay kulanka soo socda ee uu mar kale wajihi doono saaxiibbadiisii hore ee Liverpool — Mohamed Salah iyo Andrew Robertson.
Xiddiga kasoo baxay akadeemiyada Liverpool ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe dib ugu soo laabto garoonka Anfield, iyadoo Liverpool ay la ciyaarayso Real Madrid tartanka Champions League.
Trent Alexander-Arnold waxaa laga yaabaa inuu wajaho soo dhoweyn adag oo ka timaadda taageerayaasha Liverpool, kuwaas oo weli ka xun qaabka uu uga tagay kooxda.
Inkasta oo uu og yahay in qaar ka mid ah taageerayaashu aysan si wanaagsan u soo dhoweyn doonin, haddana xiddiga xulka England ayaa sheegay inuusan waligiis qalbiga ku hayn doonin wax dareen xun ah oo uu u qabo taageerayaasha Liverpool.
Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday inuu yeeshay is-weydaarsi fariimo qosol leh oo uu la sameeyay qaar ka mid ah saaxiibadiisii hore markii la xaqiijiyay in Liverpool ay la ciyaari doonto Real Madrid.
Isagoo la hadlayay Prime Video Sport, Alexander-Arnold wuxuu yiri:
“Si kasta oo ay taageerayaashu iigu soo dhaweeyaan, waa go’aankooda. Anigu mar walba waan jeclaan doonaa kooxda, mar walbana waxaan ahaan doonaa taageere kooxda ah”
“Mar walba waan ku mahadin doonaa fursadihii iyo waxyaabihii aan si wadajir ah u gaarnay”.
“Si kasta oo ay noqoto, dareenkaygu ma beddelmi doono marka ay timaado Liverpool. Waxaan halkaas ku leeyahay xusuuso aanan illoobi doonin inta aan noolahay, waana inaan si kasta oo la ii soo dhaweeyo, taasna ma beddeli doonto.”
Wuxuu raaciyay: “Markii la shaaciyay isku aadka, qof walba wuu ogaa in arrintaas ay dhici doonto — waxay u muuqatay in ciyaartaas hore loo sii qaddaray. Waa ciyaar aad u adag noqon doonta, soo dhoweynta iyo jawiga garoonkuna waxay qayb weyn ka qaadan doonaan taas. Inkastoo (Liverpool) aysan helin natiijooyin wanaagsan maalmihii u dambeeyay, haddana weli waa koox heer sare ah, mana jiro qof halkan jooga oo u maleynaya in ay noqon doonto ciyaar fudud.”
Be the first to comment