Arsenal ayaa doonaysa inay xajisato hoggaanka Premier League iyagoo rajaynaya guul ay ka gaadhaan Crystal Palace Axadda.
Gunners-ka waxay ku jiraan xaalad wanaagsan, iyagoo saddex dhibcood ku hogaaminaya horyaalka kaddib markii ay si dhib ah uga badiyeen Fulham usbuucii hore.
Guushii weynayd ee ay toddobaadkii dhexdiisa ka gaadheen Atletico Madrid ayaa sidoo kale niyad wanaagsan gelisay kooxda kahor intaysan dib ugu laaban tartanka gudaha.
Dhanka kale, Palace waxay u baahan yihiin natiijo wanaagsan kaddib markii kulankoodii ugu horreeyay ee Yurub ee garoonka Selhurst Park uu ku dhammaaday guuldarro lama filaan ah oo ay kala kulmeen kooxda reer Qubrus ee Larnaca fiidnimadii Khamiista.
Daafaca Gabriel ayuu shaki ku jiraa in uu u ciyaaro kooxdiisa kulanka sabab la xidhiidha dhaawac ka soo gaadhay kulankii Athletico.
Xiddiga Mosquera ayaa la filayaa in uu buuxiyo booskiisa kaas oo si fiican u ciyaaray kulamada uu ilaa haatan u ciyaaray kooxdiisa.
Halkan kaga bogo shaxda:
Raya; Timber, Saliba, Mosquera, Calafiori; Zubimendi, Rice, Eze; Saka, Gyökeres, Trossard
Be the first to comment