Benjamin Šeško ayaa sharaxay sababta uu u diiday xiisihii ay muujiyeen kooxaha Newcastle United iyo Arsenal, si uu ugu biiro Manchester United xagaagii lasoo dhaafay.
Weeraryahanka reer Slovenia ayaa dhammeystiray heshiis dhan £74 milyan oo uu ugu wareegay garoonka Old Trafford bisha Agoosto, kaddib labo xilli-ciyaareed oo rajo muujin ah oo uu ku qaatay RB Leipzig horyaalka Bundesliga.
Šeško ayaa si kala duwan ku bilaabay noloshiisa Premier League — isagoo dhaliyay laba gool oo xiriir ah ka hor intii aan la gaarin fasaxa xulalka, balse kursiga keydka lagu bilaabay kulankii ay United guusha weyn ka gaartay Liverpool toddobaadkii hore garoonka Anfield.
Xagaagii, 22-jirkan waxaa doonayay dhowr kooxood oo Ingiriis ah oo raadinayay weeraryahan cusub oo goolal keeni kara.
Kooxda Arsenal ayaa muddo dheer xiiso u qabtay Benjamin Šeško, balse markii ay ku guuldarreysteen inay heshiis la gaaraan isaga iyo RB Leipzig, Gunners ayaa dareenkooda u weecisay weeraryahanka reer Sweden, Viktor Gyökeres, kaasoo ay ugu dambeyntii ku soo iibsadeen £63 milyan.
Kadib, Newcastle United ayaa u muuqatay inay fursadda ka faa’iideysatay, kaddib markii ay la gaareen RB Leipzig heshiis qiimihiisu ahaa €80 milyan (£69.5 milyan), oo lagu daray €5 milyan (£4.3 milyan) oo dheeraad ah (add-ons) si ay u helaan saxiixa 22-jirka Benjamin Šeško.
Si kastaba ha ahaatee, daqiiqaddii ugu dambeysay waxaa soo farageliyay Manchester United, kuwaas oo ku guuleystay inay dhamaystiraan heshiiska, iyagoo Benjamin Šeško ku soo jiitay garoonka Old Trafford heshiis shan sano ah.
Warbixinno xagaagii la soo dhaafay ayaa tilmaamay in Šeško uu mar walba doorbidayay inuu u wareego Manchester United, waxaana weeraryahanku hadda xaqiijiyay inuu indhihiisu ku koobnaayeen oo kaliya inuu ku biiro kooxda Ruben Amorim, isla markaana uu fuliyo riyadiisii nolosha, kaddib markii uu ogaaday xiisaha Red Devils.
“Taasi ma aha kaliya riyadayda, balse waxaa u badan tahay ciyaartoy badan oo kubadda cagta ah, waa riyo,” ayuu u sheegay Sky Sports.
“Waxa aad rabto inaad ku gaarto xirfaddaada, gaar ahaan inaad u ciyaarto koox sidaas u weyn.”
Markii la weydiiyay haddii Manchester United ay ahayd kooxda kaliya ee uu doonayay inuu ku biiro, Šeško ayaa ku jawaabay:
“Haa. Aniga, tani waxay ahayd riyo — inaan u ciyaaro koox sidan u weyn iyo garoon sidan u caan ah. Waa wax aan mar walba jeclaa.”
Be the first to comment