Arsenal Oo Loo Sheegay Xiddiga Ugu Muhiimsan Kooxdeeda, Ma Ahan Saka.

Xiddigii hore ee Liverpool, Danny Murphy, ayaa sheegay in Declan Rice uu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee Arsenal u dagaallamaysa horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa doonaysa inay ku guuleysato koobkeedii weynaa ee ugu horreeyay muddo 22 sano ah, waxaana sida uu Murphy sheegay, qaab ciyaareedka khadka dhexe ee xulka England — Rice — uu fududeyn doono hawsha kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.

Rice si dhif ah ayuu u seegay kulan tan iyo markii uu £105 milyan uga soo wareegay West Ham sanadkii 2023.

Inkasta oo Arsenal ay xagaagii hore lasoo saxiixatay ciyaartoy ay ka mid yihiin Viktor Gyökeres iyo Martin Zubimendi, haddana xiddigii hore ee Premier League, Danny Murphy, ayaa weli u arka Declan Rice inuu yahay “ninka ugu muhiimsan” garoonka Emirates.

“Kooxdu hadda kuma tiirsana hal ama laba ciyaaryahan oo keliya,” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee xulka England.

“Laakiin weli waxaan aaminsanahay in Declan Rice uu yahay ciyaaryahan aad muhiim ugu ah. Waan ogahay inay keeneen Christian Nørgaard oo Brentford ka yimid — waa ciyaaryahan fiican, aad baan u jecelahay.

“Laakiin Rice wuxuu leeyahay awood jidheed iyo orod sare, wuxuuna aad ugu fiican yahay cadaadiska. Ma oranayo Arsenal ma guuleysan karto isaga la’aantiis, laakiin wuxuu noqday ninka ugu weyn ee kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga