Xiddigaha U Tartamaya Abaalmarinta Wiilka Dahabiga Ee Sanadka 2025 Oo La Shaaciyay.

Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa ku dhawaaqay liiska kama dambaysta ah ee abaalmarinta Golden Boy 2025, taasoo sannad walba la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican ee da’diisu ka hooseyso 21 sano kuna ciyaara qaaradda Yurub tan iyo 2003, iyadoo ay ka qayb qaataan wargeysyo caalami ah oo badan.

Liiska kama dambaysta ah waxa uu ka kooban yahay 25 ciyaaryahan dhalinyaro ah oo matalaya naadiyada ugu sareeya Yurub, magacyaduna waxay kala yihiin:

  1. Pau Cubarsi – (Barcelona)
  2. Desiree Doi – (Paris Saint-Germain)
  3. Dean Hausen – (Real Madrid)
  4. Keenan Yildiz – (Juventus)
  5. Myles Lewis-Skelly – (Arsenal)
  6. Warren Zaïre-Emery – (Paris Saint-Germain)
  7. Arda Güler – (Real Madrid)
  8. Franco Mastantuono – (Real Madrid)
  9. Ethan Nwaneri – (Arsenal)
  10. Jorell Hato – (Chelsea)
  11. Giovanni Quinda – (Sporting Lisbon)
  12. Estevao – (Chelsea)
  13. Leni Euro – (Manchester United)
  14. Seni Mayolu – (Paris Saint-Germain)
  15. Nico O’Reilly – (Manchester City)
  16. Elias Ben Sghir – (Bayer Leverkusen)
  17. Victor Froholdt – (Porto)
  18. Lucas Bergvall – (Tottenham Hotspur)
  19. Archie Gray – (Tottenham Hotspur)
  20. Mamadou Sarr – (Strasbourg)
  21. Jobe Bellingham – (Borussia Dortmund)
  22. Francesco Pio Esposito – (Inter Milan)
  23. Rodrigo Mora – (Porto)
  24. Giovanni Leoni – (Liverpool_
  25. Alexander Stankovic – (Club Brugge)

Abaalmarintan waa mid ka mid ah abaalmarinnada shaqsiyadeed ee ugu sharafta badan kubadda cagta dhalinyarada ee Yurub, waxaana taageerayaashu si weyn u sugayaan ku dhawaaqista guuleystaha xilli dhaw, kadib qiimeynta bandhigyadii ciyaartoydu sameeyeen xilli ciyaareedkan socda.

In kasta oo abaalmarinta Golden Boy la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican ee ka yar 21 sano — taasoo si buuxda ugu habboon Lamine Yamal, oo 18 jir ah — haddana waxa uu ka maqan yahay liiska kama dambaysta ah. Sababta maqnaanshihiisa ayaa ah xeerarka abaalmarintan, kuwaasoo mamnuucaya in ciyaaryahan hore ugu guuleystay abaalmarinta mar kale loo magacaabo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga