Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku dhawaaqday, iyada oo adeegsaneysa website-keeda rasmiga ah, faahfaahinta baaritaannada caafimaad ee lagu sameeyay ciyaaryahanka reer Spain, Dean Huijsen, maanta oo uu baaritaan caafimaad ku maray hoos tagaya dhakhaatiirta kooxda.

Xiriirka kubadda cagta ee Spain ayaa horey u shaaciyay in Dean Huijsen uu dhaawacmay isla markaana uu dib ugu laabtay kooxdiisa Real Madrid, waxaana lagu beddelay daafaca tayada leh ee Aymeric Laporte kulamada isreeb-reebka Euro 2026 ee ay la ciyaarayaan Georgia iyo Bulgaria.

Bayaanka ayaa xaqiijiyay in Huijsen uu ka cabanayo dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kaddib baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay si loo ogaado heerka dhaawaca.

Kooxda ma aysan shaacin muddada uu garoomada ka maqnaan doono daafaca da’da yar, iyaga oo kaliya xusay in xaaladdiisa caafimaad lagu sii jiri doono la socod joogto ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixinnada saxaafadda reer Spain ayaa tilmaamay suurtagalnimada in uu maqnaado muddo ku dhow laba toddobaad ama wax ka yar.

Dhaawacani waxa uu noqonayaa dhirbaaxo kale oo ku dhacda tababaraha kooxda Xabi Alonso, kaas oo la tacaalaya maqnaansho badan oo dhanka daafaca ah, xilli la isku diyaarinayo dib u bilaabashada tartamada gudaha iyo kuwa Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga