Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 7-kii 7-aad ee premier League kadib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday West Ham waxana ay si buuxda ula wareegtay hogaanka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay Chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Man United ayaa dhinaceeda badisay kulankii ay la ciyaartay kooxda Sunderland iyaga oo ka baxay natiijooyinkii xumaa.

Kooxda Man City ayaa dhinacooda ka badiyay kooxda Brentford halka ay kooxda Tottenham ka badisay kooxda Leeds United.

Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobadka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig waxa ku xiga kooxaha Man United Iyo Bournemouth oo shaxda ku leh min 2 xiddig.

Kooxaha Crystal Palace, Chelsea, Aston Villa Iyo Man City ayaa shaxda ku leh dhinacooda min hal xiddig.

Troy Deeney's team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga