
Tababarihii hore ee Premier League, Glenn Hoddle, ayaa tilmaamay sababta Arsenal mar kale ugu fashilmi karto hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan, inkasta oo uu sheegay inay haystaan “qalabkii oo dhan” si ay ugu guuleystaan.
Hoddle ayaa aaminsan in Arsenal ay weli ka maqan tahay weeraryahan lambarka 9-aad oo la isku halayn karo, taasoo uu ku tilmaamay halka xiriir la’aanta weli ka jirta kooxda.
Kulankii ay Arsenal 2-0 kaga adkaatay West Ham Sabtidii, labada gool midna kama imaanin lugaha weeraryahanka qaali ah ee ay kooxda soo iibsatay, Viktor Gyökeres, taasoo sii xoojisay shakiga laga qabo waxtarkiisa dhanka gooldhalinta.
Goolasha Arsenal kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen West Ham waxa dhaliyay Declan Rice iyo Bukayo Saka, kuwaasoo u horseeday guul muhiim ah kooxda ka dhisan waqooyiga London.
Guushan ayaa Arsenal kor u qaaday iyadoo hal dhibic ka sarreysa Liverpool, kadib markii Reds laga badiyay 2-1 kulankoodii Sabtidii ee ay la yeesheen Chelsea.
Arsenal ayaa si ballaaran loogu amaanay inay yihiin kooxda ugu xooggan xilli ciyaareedkan, ma aha oo kaliya Premier League, balse sidoo kale qaaradda Yurub, kaddib markii ay xagaagii lasoo wareegeen ciyaartoy muhiim ah sida Eberechi Eze, Noni Madueke, iyo Martin Zubimendi.
Sanadihii la soo dhaafay, guul-darrooyinka kooxda ee tartamada waaweyn waxaa lagu eedeeyay in aysan haysan weeraryahan dhexe oo lagu kalsoonaan karo, taas oo keentay in ay suuqii xagaaga kasoo qaataan Viktor Gyökeres oo ka yimid Sporting CP, si uu dhibaatadaas u xalliyo.
Si kastaba ha ahaatee, tababarihii hore ee England, Glenn Hoddle, ayaa weli qaba shaki ku saabsan in Gyökeres uu yahay xalka dhabta ah ee weerarka Arsenal.
“Arteta qalabkii wuu haystaa si uu horyaalka u hantiyo, arrintaas shaki kuma jiro.
“Waxay haystaan difaacyaal fiican, waxayna si wadajir ah u difaacaan. Sidoo kale, waxay leeyihiin ciyaartoy weerar iyo hal-abuur leh.
“Halka kaliya ee wali ka maqan waa weeraryahan lambarka 9-aad oo mar kasta kubbadda shabaqa dhiga.
“Gyökeres wuu noqon karaa ciyaaryahankaas, laakiin lama hubo. Waxaan u maleynayaa in su’aasha ugu weyn ee taagan ay tahay taas.”
Be the first to comment