
Owen Hargreaves ayaa magacaabay labo ciyaaryahan oo uu rumeysan yahay inay Chelsea u baahan tahay si ay tallaabada xigta u qaado una tartanto hanashada Premier League ama Champions League.
Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhamaystay kaalinta 4-aad ee Premier League, iyadoo 15 dhibcood ka dambeysay horyaalka Liverpool.
Kooxda Enzo Maresca waxay muujisay qaab ciyaareed xooggan qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay u muuqatay inay Liverpool la tartami karto, balse waxay si weyn hoos ugu dhacday kadib fasaxa kirismaska.
Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Kooxaha xagaagii, kadib markii ay garaacday kooxo ay ka mid yihiin PSG, Real Madrid iyo Bayern Munich.
Sidoo kale waxay sameysay suuq kala iibsiga oo firfircoon, iyagoo ku qarash gareeyay in ka badan £300 milyan saxiixyo cusub.
Maamulka Stamford Bridge ayaa rajeynayay in saxiixyadii cusub ee kooxda ay ka caawin doonaan Chelsea inay si dhab ah ugu tartanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, balse hadda arrintaas waxay u muuqataa mid laga niyad jabay ama shaki weyn la gelinayo.
Chelsea ayaa labo guul gaartay, labo barbaro gashay, laba kalena laga badiyay lixdii kulan ee ugu horreysay ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inay toddobo dhibcood ka dambeeyaan kooxda heysata horyaalka iyo hoggaanka haatan — Liverpool.
Tartanka Champions League, kooxda reer galbeedka London ee Chelsea waxay haystaan 6 dhibcood kadib laba kulan. Waxay ka soo kabsadeen guuldarro kulankii furitaanka oo ay kala kulmeen Bayern Munich, iyagoo guul ciriiri ah ka gaaray kooxda Jose Mourinho ee Benfica kulankoodii labaad.
Inkasta oo Chelsea ay si layaab leh u qarashgareysay sannadihii u dambeeyay, Owen Hargreaves ayaa weli aaminsan in kooxda u baahan tahay goolhaye heer caalami ah iyo daafac dhexe oo khibrad leh si ay ugu guuleystaan tartamada waa weyn sida Premier League iyo Champions League.
“Haddii Chelsea ay rabto inay ku guuleysato Premier League iyo Champions League, waxay u baahan yihiin goolhaye heer caalami ah iyo daafac dhexe oo khibrad leh.”
“Daafaca dhexe ahaan, ciyaaryahan la mid ah [halyeyga PSG iyo Brazil] Marquinhos ayaa ka caawin kara xiddigaha da’da yar horumarka”ayuu yidhi.
Be the first to comment