
Tababaraha kooxda Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in kooxdiisu u baahantahay inay horumar ka sameyso dhanka difaaca kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen Benfica kulan ka tirsanaa UEFA Champions League.
Sida uu Maresca sheegay, Blues waxay saddex gool ka heleen saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay, taas oo uu sheegay inay tahay arrin ay tahay in laga hortago mustaqbalka.
Chelsea ayaa ku badisay gool uu iska dhaliyay Richard Rios ciyaar ka dhacday Stamford Bridge.
Isagoo ka hadlayay kadib ciyaarta, Maresca ayaa wareysi uu bixiyay ciyaarta kadib ku yiri:
“Dadaalku wuu fiicnaa.
“Qaybtii hore, waxaan u maleynayaa inaan si ka wanaagsan uga ciyaarnay marka loo barbardhigo qeybtii labaad, habka aan kubadda u maamulnay iyo fursadaha aan abuurnay”
“Qeybtii labaad, waan hoos u dhacnay. Labadii ama saddexdii kulan ee ugu dambeysay, waxaan dhalinay labo ama saddex gool, taasna suurtagal ma aha. Waa in aan si wanaagsan u difaacannaa, balse in aan shabaqa ilaashanno (clean sheet) waa wax fiican.”
Be the first to comment