
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in weeraryahanka reer Nigeria, Victor Osimhen, uu ahaa bartilmaameed dhab ah oo Liverpool doonaysay inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.
Waxaa la xasuustaa in Osimhen lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo Premier League ah sida Liverpool, Arsenal, Manchester United iyo Chelsea xagaagan, ka hor inta uusan dhammeystirin ku biiristiisii rikoor-dhigga ahayd ee Galatasaray.
Arne Slot, oo la hadlayay warbaahinta shirkiisii jaraa’id ee ka horreeyay kulanka Champions League ee ay Liverpool la ciyaarayso Galatasaray ayaa caddeeyay in qorshaha kooxdiisu xagaagan uu ku qotomay laacibiinta sida:
Alexander Isak
Hugo Ekitike
Tani waxay timid kadib markii Darwin Núñez uu u wareegay horyaalka Sacuudi Carabiya, iyo geeridii naxdinta lahayd ee Diogo Jota, taasoo saameyn weyn ku yeelatay qorshihii weerarka Liverpool.
“Osimhen wuu wanaagsan yahay, laakiin ma ahayn mid ka mid ah yoolalka aan dhab ahaantii u dhaqaaqnay. Qorshaha kooxda wuxuu si cad u ahaa mid ku wajahnaa ciyaartoy kale,” ayuu yiri Arne Slot.
Markii la weydiiyay in Victor Osimhen uu ka mid ahaa liiska ciyaartoyda ay Liverpool bartilmaameedsatay xagaagan, tababare Arne Slot ayaa saxaafadda u sheegay shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulanka Champions League:
“Waxaan ku darnay laba weeraryahan toos ah [number nines], kuwaas oo kala ah Isak iyo Ekitike.”
Warkan ayaa si cad u muujinaya in Liverpool aysan si dhab ah u dooneyn Osimhen, maadaama ay horey u dhammeystireen saxiixyada labada weeraryahan — Alexander Isak iyo Hugo Ekitike — si ay u buuxiyaan boosaska ka banaanaa weerarka kooxda.
Be the first to comment