
Xiddigii hore ee Chelsea, John Mikel Obi, ayaa sheegay in Arsenal aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan — inkasta oo uu qiray in ay haystaan kooxda ugu fiican marka la eego tayada ciyaartoyda.
Mikel Obi ayaa sidoo kale ku adkaystay in Arsenal ay “nasiib badan” ahaayeen kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Newcastle United toddobaadkii la soo dhaafay.
Guushaas ayaa u suurtagelisay Arsenal inay yareeyaan farqiga dhibcaha kala dhexeeya Liverpool oo hogaanka haya, iyagoo hadda kaliya labo dhibcood ka dambeeya.
Laakiin John Mikel Obi ayaa ku adkeystay in kooxda Mikel Arteta ay tahay “mid daciif ah” isla markaana weli “si aad ah uga fog tahay” heerka koox ku guuleysan karta horyaalka Premier League.
“Ma aaminsani in Arsenal ay ku guuleysan karto Premier League xilli ciyaareedkan, runtii ma aaminsani. Waxaan qabaa inay weli si aad ah uga fog yihiin heerka loo baahan yahay, inkasta oo ay haystaan koox tayo leh.”
“Waxay haystaan kooxda ugu fiican horyaalka Premier League, arrintaas shaki kama jiro. Laakiin markii aad daawatid ciyaartii, qaabka ay u ciyaareen, maskax ahaan aad bay u daciif yihiin — runtii, aad u daciif ah.”
Be the first to comment