
Hugo Ekitike ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga diiday Manchester United dalab ay kaga doonayeen, ka hor inta uusan ogolaanin inuu ku biiro Liverpool.
Weeraryahanka reer France ayaa bishii July ku dhammeystiray heshiis £69 milyan ah oo uu ugu wareegay Anfield, wuxuuna bilaabay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool si wanaagsan.
Ekitike ayaa noqday bartilmaameed kooxo badan oo Yurub ah kadib xilli ciyaareed cajiib ah uu u qaaday Eintracht Frankfurt, isagoo dhaliyay 22 gool dhammaan tartamada.
Chelsea ayaa si xooggan loola xiriirinayay bilowgii xagaaga, balse Liverpool ayaa si degdeg ah uga faa’iideysatay fursadda oo heshiiska la dhammeystirtay si ay ugu keenaan Anfield.
Maalmihii ka horreeyay inta uusan Ekitike ku biirin Liverpool, labada kooxood ee Manchester United iyo Newcastle United ayaa sameeyay dalabyo daqiiqadihii ugu dambeeyay si ay uga leexiyaan heshiiska uga afduubtaan Liverpool.
Laakiin wakiillada Ekitike ayaa si cad u muujiyeen in uu mudnaan siinayo ku biirista Liverpool, waxaana weeraryahanku haatan faahfaahiyay sababtii uu go’aankaas u qaatay, isagoo doortay inuu la shaqeeyo Arne Slot.
Markii la weydiiyay sababta uu Liverpool ugu biiray inkasta oo ay xiiseynayeen Manchester United iyo Newcastle, Ekitike wuxuu yiri:
“Liverpool waa kooxda difaacanaysa horyaalka premier League waxay leeyihiin ciyaartoy weyn iyo taariikh weyn.”
“Waxaan u maleynayaa in ay ahayd doorasho wanaagsan aniga, waana sababta aan u doortay Liverpool – waxay ahayd xulashadii ugu fiicneyd, anigana waxaan doonayay inaan imaado,” ayuu yiri Ekitike.
Be the first to comment