Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guuldaradii Liverpool.

Rio Ferdinand ayaa magacaabay kooxda ku guulaysan doonta premier league kadib markii laga badiyay Liverpool isla markaas ay Arsenal badisay kulankeedii todobaadka.

nkasta oo aysan ciyaarin si heer sare ah, kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka si wanaagsan iyagoo helay 15 dhibcood buuxa 5tii kulan ee ugu horreysay.

Guulahaas waxaa ka mid ahaa goolal ay dhaliyeen daqiiqadihii ugu dambeeyay, laakiin nasiibkoodii ayaa ugu dambayn dhammaaday Sabtidii markii wakhti dambe laga dhaliyay goolka kulankii Crystal Palace.

Federico Chiesa ayaa u muuqday inuu u helay Liverpool hal dhibic isagoo dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 87-aad, kaddib markii Ismaila Sarr uu goolkiisii hore hogaanka ugu dhiibay Crystal Palace garoonka Selhurst Park.

Laakiin Eddie Nketiah ayaa u sameeyay kooxdiisii hore ee Arsenal adeeg weyn isagoo u dhaliyay Crystal Palace goolka guusha ee daqiiqadihii ugu dambeeyay, taasoo soo afjartay rikoorkii aan laga badin ee Liverpool.

Arsenal, oo ku dhammaatay kaalinta labaad ee Premier League-ga saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, ayaa si aad ah u doonaysay inay ka faa’iideysato qaladka Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqatay in iyaguna ay guuldarro la kulmi doonaan kadib markii ay Newcastle United hogaanka uga qabatay garoonka St James’ Park iyadoo Nick Woltemade uu dhaliyay gool madax ah qeybtii hore.

Kooxda Mikel Arteta ayaa horay dhibco uga lumisay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay, balse waxay ka fogaadeen niyad-jab kale markii ay sameeyeen soo laabasho cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay — Mikel Merino iyo Gabriel ayaana labaduba dhaliyay goollo madax ah 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaarta.

Natiijooyinkii toddobaadkan ayaa keentay in ay Liverpool laba dhibcood ka horayso Arsenal oo kaalinta 2-aad ku jirta.

Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in guushii Arsenal ay ka gaartay Newcastle ay ahayd mid “aad u weyn,” balse wali wuxuu Liverpool u arkaa kuwa ugu cadcad inay difaacdaan horyaalka Premier League.

“Waa isbeddel maskaxeed iyo mid kalsooni oo aad u weyn,” ayuu yiri Ferdinand mar uu ka hadlayay guushii soo laabashada ahayd ee Arsenal.

“Waxay ka jawaabeen dhaleeceyn badan oo ka jirtay bannaanka. Inay tagaan garoonka Newcastle oo ay guuleystaan waa arrin aad u weyn, sababtoo ah haddii ay ciyaartaas barbaro la galaan ama laga badiyo, su’aalo badan ayaa la isweydiin lahaa,” ayuu yiri Ferdinand.

“Laakiin wali Liverpool ayaa ah kooxda uGu cad-cad ku guulaysiga premier League sababta oo ah khibradeedii ayay leeyihiin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga