
Daafaca Kooxda Man United ee Matthijs de Ligt, ayaa ka jawaabay dhaleecaynta loo jeediyay tababare Ruben Amorim kadib natiijooyinkooda niyad-jabka leh.
Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa taageeray tababaraha isagoo ku adkeystay in cayaartoydu kaligood ay tahay in ay qaataan mas’uuliyadda waxqabadkooda liita, gaar ahaan kulankii ay la ciyaareen Brentford ee Sabtidii.
Manchester United ayaa Chelsea kaga adkaatay 2-1 usbuucii ka horreeyay, hase yeeshee markii ay dib ugu soo laabteen garoomada todobaadkan waxa ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen Brentford.
Matthijs de Ligt ayaa sheegay in qaab ciyaareedka uu tababareheedu isticmaalo aanu ahayn dhibaatada, isagoo ku adkeystay in cayaartoydu ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda.
“Dabcan, way fududahay in la eego tababaraha, laakiin ugu dambeyn cayaartoyda garoonka joogaa waa inay wax qabtaan,” ayuu yiri difaacyahanka reer Netherlands.
“Ma dhihi karno goolasha aan u ogolaanay, ama fursadaha aan siinnay, inay sabab u yihiin… anigu ma garanayo, idinkuna mar walba waxaad ka hadlayseen nidaamka (system).
“Taasi waxay sidoo kale ku xirnaaneysaa fiiro gaar ah, diirad saarid, haddii taasna ka maqan tahay waqtiyada muhiimka ah, waxay farqi weyn sameyneysaa.
“Runtii waa niyad-jab waayo toddobaadkii oo dhan waxaan ka hadlaynay sidii aan xawaaraha u sii wadi lahayn, oo aan guul kale u gaadhi lahayn”
Be the first to comment