Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Maresca Kadib Guuldaradii Brighton.

Chelsea waxay ku adkaysanayaan in booska Enzo Maresca ee tababarenimada kooxda uu weli yahay mid ammaan ah, inkastoo ay la kulmeen laba guuldarro oo xiriir ah—mid ka timid Bayern Munich iyo mid kale oo Brighton ah.

Maamulka sare ee Blues-ka ma muujinayaan wax walaac ah inkasta oo ay kooxdu si weyn uGu dhibaatoonayso natiijooyinka kulamadii uGu dambeeyay.

Kadib guuldarrooyin xiriir ah oo ka dhan ahaa Manchester United iyo Brighton horyaalka Premier League, Maresca wuxuu wajahay dhaleecayn kaga timid taageerayaasha, kuwaas oo ku eedeeyay inuu si xun uga falceliyay kaararka gaduudan ee kooxdiisa lagu siiyay.

Mas’uuliyiinta sare ee Chelsea waxay xuseen in kooxda kaliya shan jeer laga badiyay lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo afar ka mid ah kulamadaas ciyaaryahan looga saaray garoonka ka dib kaar guduudan.

Tababare Enzo Maresca sidoo kale wuxuu la tacaalayaa dhibaato dhaawacyo ah, iyadoo ciyaartoy muhiim ah sida Cole Palmer iyo Liam Delap ay ka mid yihiin liiska dheer ee dhaawacyada.

Champions League-ga ayaa ah mudnaanta ugu weyn ee Chelsea xilli ciyaareedkan, iyadoo ay sidoo kale doonayaan inay si sharaf leh uga qeybgalaan tartamada kale ee koobabka kale.

Usbuucan, Chelsea waxay gurigeeda ku martigelin doontaa Benfica oo uu hogaaminayo Jose Mourinho kulan ka tirsan Champions League, ka hor inta aysan Sabtida la ciyaarin Liverpool oo uu hogaaminayo Arne Slot kulan ka tirsan Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga