“Amorim Waa Da’deyda, Wax Kalsooni Ah Kuma Qabo”

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay inuusan “wax kalsooni ah” ku qabin tababaraha haatan ee kooxda, Ruben Amorim.

Rooney wuxuu ka hadlayay kadib guuldarradii 3-1 ahayd ee ay Manchester United kala kulantay Brentford Sabtidii lasoo dhaafay.

Natiijadaas waxay ka dhigan tahay in kooxda uu hogaaminayo Amorim ay kaliya laba kulan oo horyaalka ah guul ka gaartay ilaa hadda, iyadoo fadhida kaalinta 14-aad.

Manchester United sidoo kale waxaa laga saaray Carabao Cup kadib markii ay guuldarro kala kulmeen kooxda Grimsby Town.

Aragtida Wayne Rooney, maalmihii Ruben Amorim ee macallinimada United waa ay koobanyihiin.

Isaga oo ka hadlayay barnaamijkiisa The Wayne Rooney Show, wuxuu yiri:

“Ruben Amorim waa da’deyda, xitaa wuu iga yar yahay, weli waa tababare da’yar. Waan hubaa inuu mustaqbal wanaagsan leeyahay. Laakiin maxaa ka socda Manchester United? Ciyaar ahaan, ma aqoonsan karo kooxda oo dhan.

“Runtii waxaan rajaynayaa inuu wax ka beddeli karo xaaladda, oo uu guulo keeni karo. Laakiin haddii aad i weydiiso, ‘ma rumeysan tahay inuu sidaas samayn karo?’, markaas, run ahaantii, wixii aan arkay kadib, anigu kalsooni kuma qabo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga