
Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyey farxaddiisa guushii adkayd ee kooxdiisu ka gaartay Newcastle 2-1, taasoo qayb ka ahayd tartanka horyaalka Ingiriiska.
Goolasha ciyaarta oo ka dhacday garoonka St. James’ Park ayaa waxaa furay gool uu dhaliyay Nick woltemade ka hor inta uusan Mikel Merino ka dhigin gool barbar dhac ah daqiiqaddii 84-aad, halka Gabriel uu dhaliyay goolka guusha ee Arsenal daqiiqaddii 90+6.
Tababaraha Arteta ayaa u sheegay BBC Sport”Waan ku faraxsanahay, waxaanan u maleynayaa in guushu ay ahayd mid gebi ahaanba xaq aan u leenahay, Qaabka aan u ciyaarnay iyo sida aan u tartannay waxay ahayd mid cajiib ah.”
Wuxuu sii raaciyey: “Waxaan xaq u leenahay guusha, waxaan gaarnay guul si xiiso leh, laakiin xaqiiqdii waxaan xaq u leenahay guusha.”
Tababaraha Gunners ayaa intaas ku daray: “Qaabkan waxaad gaari kartaa heer kala duwan, waa inaad ka gudubtaa waqtiyadan oo aad ka barato casharada ka soo baxa.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey: “Waxaan ahayd inaan helno qaab aan ku gaari karno guusha, waxaanan aaminsanahay inaan xaq u leenahay guusha si dhab ah.”
Be the first to comment