Arsenal oo Guul Cajiib ah Ka Soo Jiidatay Gacmaha Newcastle

Kooxda Arsenal ayaa guul layaab leh ka gaartay kooxda Newcastle United kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen ciyaar xiiso badan oo Axaddii fiidkii ka dhacday garoonka St. James’ Park, taasoo ka tirsaneyd tartanka horyaalka Premier League-ka Ingiriiska.

Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo kooxda “Gunners” ay saddexda dhibcood ku xaqiijisatay gool ay dhaliyeen daqiiqadihii lagu daray waqtiga ciyaarta.

Newcastle ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 34-aad, markaasoo Nick Woltemade uu madax ku dhaliyay kubad koorno ahayd oo uu ka keenay Sandro Tonali.

Inkastoo Arsenal ay isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato, haddana qeybtii hore waxay ku dhammaatay guusha kooxda martida loo ahaa.

Qeybtii labaad, Arsenal ayaa sii waday cadaadiska weerarka ilaa uu ugu dambeyn Mikel Merino ciyaarta barbaro ka dhigay daqiiqaddii 84-aad, kadib markii uu si qurux badan madaxa ugu dhaliyay karoos uu soo qaaday Declan Rice.

Markii weerarada sii socdeen, waqtiga ugu muhiimsanaa ee ciyaarta ayaa yimid daqiiqaddii 96-aad, markaasoo Gabriel Magalhães uu madax ku dhaliyay koorno uu soo qaaday Martin Ødegaard, taasoo uu goolka guusha u horseeday kooxdiisa.

Guushan ayaa Arsenal ka caawisay in ay xoojiso booskeeda kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 13 dhibcood, laba dhibcood ayay ka dambeysaa Liverpool oo hogaanka haya.

Sidoo kale, waxay muujisay awoodda iyo shakhsiyadda kooxda ee kulamada waaweyn.

Dhanka kale, Newcastle ayaa la kulantay guuldarro xanuun badan, inkastoo ay si fiican u ciyaareen inta badan ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga