
Joe Cole ayaa gu baaqay Manchester United inay eryaan Ruben Amorim kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulantay Brentford horyaalka Premier League.
Murugada United ayaa sii socotay Sabtidii markii Brentford ay guul weyn ka gaartay garoonka GTech Community Stadium.
Igor Thiago ayaa dhaliyay laba gool qeybtii hore isaga oo dhibaataynayay difaaca Manchester United ka hor inta uusan Benjamin Sesko dhalin goolka 1-aad ee Man United.
Kabtanka United, Bruno Fernandes, ayaa rikoodhe ka khasaariyay Man United waxana ay ugu dambayn ciyaartu ku dhamaatay 3/1.
Guuldarro kale oo soo gaadhay Man United ayaa la macno ah in Amorim kaliya 34 dhibcood ka helay 33 kulan oo uu hogamiyay Man United.
Cole wuxuu shaki ka muujiyay in Amorim uu awoodo inuu wax ka beddelo xaaladda Old Trafford, wuxuuna aaminsan yahay in isbeddel laga yaabo inuu noqdo natiijada ugu wanaagsan ee Manchester United iyo tababaraha hadda jira labadaba.
Xiddiga hore ee England ayaa xitaa magacaabay macallinkii hore ee Three Lions, Sir Gareth Southgate, inuu noqon karo musharax ku habboon inuu beddelo Amorim.
Markii laga weydiiyey haddii uu aaminsan yahay in Amorim uu wax ka beddeli doono xaaladda Manchester United, Cole ayaa u sheegay TNT Sports: “Maya, ma aaminsani. Wuxuu helay waqti ku filan oo uu ku dhaqan geliyo waxa uu doonayo.”
“Ma aha kaliya dhibaatada Ruben Amorim, waxaa jira dhibaatooyin waaweyn oo ka jira kooxda dhexdeeda. Laakiin isaga waxaa ka muuqda welwel marka uu kursiga ku fadhiyo, wuu murugaysan yahay, waxaanan u maleynayaa in taasi ay saameyn doonto ciyaartoyda.”
“Xaqiiqda ah inuusan ku guuleysan laba kulan oo horyaal oo xiriir ah waa arrin aad u weyn oo walaac leh. Aniga ahaan, waxay u baahan yihiin jihada kale.”
Markii si adag looga codsaday inuu sharaxo waxa uu uga jeedo ‘jiho cusub’ marka laga hadlayo tababare cusub, Cole ayaa intaa ku daray: “Waad ogtahay inaanan jeclayn inaan taas iraahdo, laakiin sidoo kale, isaga [Ruben Amorim] wuxuu ahaa iftiinka rajada, dadka”.
“Anigu waxaan u maleynayay in Gareth Southgate uu yahay qofka ugu habboon shaqada marka la eego dhisidda dhaqan iyo fahamka ciyaartoyda. Waxay doorteen Amorim laakiin uma muuqato inay shaqeynayso.”
Be the first to comment