Gareth Southgate Oo Hogaaminaya Liiska 3 Tababare Oo U Sharaxan In Ay Man United Ka Badalaan Ruben Amorim.

Gareth Southgate, oo horey u soo noqday tababaraha xulka England, ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska saddexda musharrax ee loo tixgelinayo inuu beddelo Ruben Amorim oo ah tababaraha Manchester United.

Southgate, oo 55 jir ah, ayaa ka maqnaa howlaha tababarenimo tan iyo markii uu dhammaaday muddadii uu xulka England hogaaminayay, taasoo socotay siddeed sano laga bilaabo 2016 ilaa 2024.

Intii uu Southgate hoggaaminayay xulka England, wuxuu kooxda ku hogaamiyay kaalinta labaad ee tartanka Euro 2020 iyo Euro 2024, isagoo gaarsiiyay final-kii ugu horreeyay ee tartan weyn tan iyo guushii Koobkii Adduunka ee 1966.

Southgate wuxuu sidoo kale xulka England gaarsiiyay afar-dhamaadka Koobka Adduunka 2018, isagoo kaalinta afraad ku dhammeystay – taasoo ahayd meeshii ugu fiicnayd ee uu xulka England gaadho tan ilaa sanadkii 1990.

Waxa lala xidhiidhinayay in uu la wareegayo shaqada tababarenimo ee Manchester United dhowr jeer sanadihii u dambeeyay, waxaana la sheegay in milkiilaha wadaagga ah, Sir Jim Ratcliffe, uu si weyn u taageero Southgate oo uu aad u jecel yahay.

Warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in Sir Jim Ratcliffe horey u yeeshay wadahadallo la xiriira Gareth Southgate, iyadoo cadaadisku ku sii kordhayo tababaraha Manchester United ee haatan, Ruben Amorim.

Sida ay warinayso talkSPORT, Gareth Southgate ayaa ku jira liiska saddex musharrax oo loo diyaariyay inuu beddelo Ruben Amorim, iyadoo ay jiraan laba musharrax oo kale oo la tartamaya jagadaas.

Labada tababare ee kale ee Manchester United ay sidoo kale eegayaan ayaa ah tababaraha Crystal Palace, Oliver Glasner, iyo macallinka AFC Bournemouth, Andoni Iraola.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga