Crystal Palace Oo Joojisay Tareenkii Guulaha Ee Liverpool, 3-da Dhibcood Ayay Ka Qaadatay.

Kooxda Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan kala kulantay kooxda Crystal Palace daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, kadib markii lagu garaacay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Reds ayaa booqatay kooxda reer London fiidnimadii Sabtida, kulankaas oo ka dhacay garoonka Selhurst Park, kana tirsanaa wareegga lixaad ee xilli ciyaareedka.

Crystal Palace ayaa si degdeg ah u bilaabatay ciyaarta, waxaana goolka furitaanka u dhaliyay xiddiga caalamiga ah ee reer Senegal, Ismaïla Sarr, daqiiqaddii 9-aad.

Waxaa suurtagashay in ciyaaryahanka beddelka kusoo galay, Federico Chiesa, uu u dhaliyo Liverpool goolka barbaraha daqiiqaddii 88-aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Laakiin daqiiqadii 90+7-aad ayay Palace dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 laga badiyay Liverpool.

natiijadaas waxay sababtay in Liverpool ay hakiso dhibcaheeda 15 iyada oo hogaaminaysa horyaalka premier League.

Dhanka kale, kooxda reer London ee Crystal Palace ayaa kor ugu sii kacday 12 dhibcood natiijadan darteed, taasoo gelisay kaalinta labaad ee jadwalka, si kumeelgaar ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga