
Kooxda Chelsea ayaa sii waday luminta dhibcaha kadib markii ay guuldaro 3-1 ah kala kulantay kooxda Brighton oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge kulan ka tirsanaa toddobaadkii lixaad ee horyaalka.
Laacibka reer Argentina Enzo Fernández ayaa jebiyay barbaraha ciyaarta isagoo Chelsea u dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 24-aad, taasoo keentay in qeybtii hore lagu kala nasto 1-0 ay Chelsea hoggaanka hayso.
Laakiin markii la isku soo laabtay qeybta labaad, kooxda uu hoggaamiyo tababare Enzo Maresca ayaa wajahday dhibaato weyn kadib markii Trevoh Chalobah uu qaatay kaadh cas toos ah daqiiqadii 53-aad, taasoo keentay in kooxdiisu ku ciyaarto 10 ciyaaryahan inta ka hartay ciyaarta.
Waxaana kooxda Brighton ay ka faa’iideysatay ciyaaryahanka kaarka cas qaatay ee Chelsea, iyadoo u suurtagashay inay goolka barbaraha dhaliyaan daqiiqadii ku dhow 77-aad, waxaana u saxiixay goolkaas laacibka Danny Welbeck.
Chelsea ayaa isku dayday inay markale hoggaanka la wareegto inta ka dhimaneyd ciyaarta, iyadoo sidoo kalena kooxda martida ah ee Brighton ay si xoogan u raadineysay inay hesho goolka guusha. Ugu dambeyntii, Brighton ayaa ku guuleysatay iney dhaliso goolkii ay u baahnayd, waxaana daqiiqaddii 92-aad shabaqa soo taabtay ciyaaryahanka Belgian-ka ah ee Maxime De Cuyper.
Intaas kuma ekaanin; Danny Welbeck ayaa markale ciyaarta saameyn ku yeeshay isagoo dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolka saddexaad ee kooxdiisa daqiiqaddii 100-aad, taasoo ahayd daqiiqadda tobnaad ee waqti kordhinta, wuxuuna xaqiijiyay guul weyn oo ay Brighton ka gaartay Chelsea.
Sidaas darteed, kooxda buluugga London ee Chelsea ayaa la kulantay guuldaradeedii labaad xilli ciyaareedkan, iyadoo sidoo kale leh laba barbaro iyo laba guul, taasoo ka dhigaysa inay haysato 8 dhibcood kaddib 6 kulan oo ay ciyaartay, iyadoo ku jirta kaalinta toddobaad ee kala sarreynta horyaalka.
Dhanka kale, Brighton ayaa iyaduna gaartay 8 dhibcood, balse waxay ku jirtaa kaalinta tobnaad ee jadwalka Premier League.
Kooxda Man City ayaa iyadu xasuuqday kooxda Burnley iyada oo ku badisay 5/1 kulan dhinac kaliya ahaa.
Be the first to comment