
Weeraryahanka Paris Saint-Germain Ousmane Dembele ayaa hadda ku biiray ciyaartoyda waaweyn sida Lionel Messi, Ronaldinho iyo Zinedine Zidane kuwaas oo ku guuleystay saddexda koob ee ugu weyn kubadda cagta (Koobka Adduunka, Champions League iyo Ballon d’Or).
Dembele ayaa gaaray guushan kadib markii uu dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025, isagoo ka hormaray laacibka Barcelona, Lamine Yamal.
Xiddigii hore ee Borussia Dortmund iyo Barcelona, Ousmane Dembele, ayaa sidoo kale ku guuleystay Champions League isagoo la jooga PSG sanadkii hore, iyo Koobkii Adduunka ee 2018 oo uu la qaaday xulka qaranka Faransiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Dembele – oo ah xiddig caalami ah oo u ciyaara xulka France – ayaa hadda ku biiray sagaal xiddig oo kale oo taariikhda kubadda cagta ku guuleystay saddexda abaalmarin ee ugu weyn: Koobka Adduunka, Champions League, iyo Ballon d’Or, sida ay ku warantay The Touchline.
Halkan hoose waxaa ku qoran 10-ka xiddig ee abid ku guuleystay saddexdan koob ee ugu sharafta badan:
Lionel Messi
Zinedine Zidane
Ronaldinho
Franz Beckenbauer
Gerd Muller
Paolo Rossi
Kaka
Rivaldo
Bobby Charlton
Ousmane Dembele
Be the first to comment