Theo Walcott Oo Saadaaliyay Halka Ay Arsenal Kaga Dhamaysan Karto Premier League.

Theo Walcott ayaa dib u eegay saadaashiisii afarta sare ee Premier League-ka kaddib markii ay Arsenal barbaro 1-1 la gashay Manchester City, isaga oo haatan taageersan in kooxdiisii hore ay ku dhammaan doonto kaalinta labaad ee miiska.

Arsenal waxay u muuqatay in ay la kulmi doonto guuldarrogeedii labaad ee xilli ciyaareedkan kaddib markii Erling Haaland uu gool dhaliyay daqiiqaddii 9-aad ciyaarta ka dhacaysay Emirates, balse Gabriel Martinelli ayaa qorshahaas beddelay markii uu badel ku soo galay isaga oo beddelay Jurrien Timber daqiiqadihii dambe ee ciyaarta.

Martinelli ayaa kubbad dheer oo uu soo dhiibay laacibka cusub Eberechi Eze si qurux badan u dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxdiisa.

Goolkaas dambe ayaa Mikel Arteta ka dhigay tababaraha ugu horreeya ee abid shan kulan oo isku xigta guuldarro la’aan uga baxa kulamada uu la ciyaaro Pep Guardiola, ninkii uu hore uga ahaa kaaliyaha Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda horyaalka difaacaneysa ee Liverpool ayaa kordhisay hoggaankooda sare ee kala sarreynta iyaga oo shan dhibcood ku qabtay kaddib markii ay si adag uga adkaadeen Everton kulan Merseyside derby ah oo adag oo la ciyaaray maalintii ka horreysay.

Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa in ay dib ugu soo laabato wadada guusha isla markaana sii waddo cadaadiska ay saarayaan Liverpool marka ay Axadda galab la ciyaarayaan Newcastle kulan ka tirsan Premier League-ka oo ka dhici doona garoonka kooxdaas.

“Run ahaantii, markii aan fiiriyay shaxda bilowga ciyaarta, waxaan yara niyad jabay aniga oo ka xun in ciyaartoyda sida Martinelli iyo Eze aysan ku jirin,” ayuu yiri garabkii hore ee Arsenal Theo Walcott, isagoo ka hadlayay kulankii weynaa ee Axaddii barnaamijka It’s Called Soccer.

“Dabcan [Leandro] Trossard wuu dhaliyay gool [kulankii ay la ciyaareen Athletic Bilbao], balse waxaan dareemayay in ciyaartaan ay u baahnayd nooc kale oo ciyaaryahan ah,” ayuu sii raaciyay Walcott.

Markii la weydiiyay haddii uu rumeysan yahay in Arsenal ay soo afjari karto abaarta horyaal la’aanta iyaga oo ku ciyaaraya qaabka Arteta, Walcott ayaa ku jawaabay: “Haa, waan rumeysanahay [in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan karto].”

“Si kastaba ha ahaatee, waxa ay tahay in isbeddel lagu sameeyo waa goorta uu Arteta sameeyo beddelka ciyaartoyda,” ayuu sii raaciyay Walcott.

Walcott wuxuu horraantii xilli ciyaareedkan saadaaliyay in Arsenal ay ku dhammaan doonto kaalinta saddexaad, iyadoo ka dambaysa kooxaha horyaalka difaacanaya ee Liverpool iyo Manchester City.

Laakiin ciyaaryahankii hore ee xulka England — isla markaana laba jeer FA Cup kula guuleystay Arsenal — ayaa haatan rajo badan ka qaba fursadaha Gunners, taasoo uu ku sababeeyay sida wanaagsan ee ay suuqa kala iibsiga xagaaga uga faa’iideysteen.

“Markii hore waxaan Arsenal dhigay kaalinta saddexaad, laakiin taas waxay ahayd ka hor wixii suuqa kala iibsiga ka dhacay, miyaanay ahayn?” ayuu yiri Walcott.

Markii la weydiiyay haddii uu hadda Arsenal u arko kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka, Walcott ayaa ku jawaabay: “Maya, waxaan dhigi lahaa kaalinta labaad”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga