DEG-DEG: Xiddig Liverpool Oo Dhaawac Soo Dhameeyay Xilli Ciyaareedkiisa.

Kooxda Liverpool ayaa war xun heshay kadib markii la xaqiijiyay in xilli ciyaareedka xiddiga Giovanni Leoni soo dhamaaday kadib dhaawac halis ah oo soo gaadhay kulankii Southampton ee Carabao cup-ka.

Xiddiga oo xagaagii ku soo biiray Liverpool ayaa ku bilowday kulankii Southampton ee Carabao cup-ka.

Laakiin xiddiga ayaa garoonka looga qaaday sariirta dhaawaca kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka.

Waxaa la sheegay inuu dhaawacu yahay mid daran, waxaana la saadaalinayaa inuu ka maqnaan doono ilaa 9 bilood ah.

Dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpoolkuwaas oo doonaya in ay ku tartamaan koobabka oo dhan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga