
Kooxaha Arsenal Iyo Man City ayaa ku heshiiyay bar-baro kulan ka dhacay Emirates kulan ka tirsanaa premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid si weyn loo wada sugayay iyada oo koox walba doonaysay in ay badiso kulanka si ay 3-da dhibcood u hesho.
Daqiiqadii 9-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Mikel Arteta ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd bar-baraha laakiin Man City ayaa si fiican u difaacatay.
Kooxda Man City ayaa la odhan karaa in ay ahayd kooxda fiican qaybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin Arsenal ayaa qaybta dambe ahayd kooxda fiican iyaga oo goobo galiyay kooxda Man City si ay u dhaliyaan bar-baraha.
Man City ayaa difaac adag gashay iyaga oo u diiday Arsenal in ay sameeyaan fursado badan oo wax ku ool ah.
Daqiiqadii 90+3-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City Iyo Arsenal ku kala bexeen bar-baro.
Be the first to comment