Lacagta Ay Man United Siinayso Ruben Amorim Hadii Ay Shaqada Ka Caydhiso Oo La Ogaaday.

Ruben Amorim ayaa cadaadis xoogan saaranyahay sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka liita ee kooxda iyada oo kooxdu badisay kaliya hal kulan 4 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan premier League.

Amorim ayaa Man United kaga soo biiray Sporting Lisbon bishii November ee sanadkii hore waxana ay shaqadu ku noqotay mid adag tababaraha reer Portugal.

Manchester United waxay ku dhameysteen kaalinta 15-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana sidoo kale laga badiyay final-kii Europa League oo ay la ciyaareen Tottenham, taasoo micnaheedu yahay inaysan ka qeyb galeynin tartamada Yurub xilli ciyaareedkan.

United ayaa lacag iican galisay suuqii xagaaga iyada oo kooxda keentay xiddigo ay ka mid yihiin Matheus Cunha, Benjamin Sesko iyo Bryan Mbeumo.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedka cusub wuxuu si liidata ugu bilowday Manchester United, iyadoo kaliya afar dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League, isla markaana laga reebay Carabao Cup iyada oo guuldaro kala kulantay Grimsby Town.

Qaab ciyaareedka Liita ee kooxda ayaa keentay in su’aal la galiyo mustaqbalka tababaraha ee Man United.

Sida laga soo xigtay warvayska Daily Mail, Man United ayaa bixinaysa lacag dhan 12 milyan oo euro hadii ay shaqada ka caydhiso tababaraha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga