
Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca Liverpool ee Ibrahima Konate ka dhigtaan bartilmaameedkooda 1-aad xagaaga dambe.
Qandaraaska Konate wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka, waxaana uu diiday dhowr isku day oo Liverpool ku doonaysay inay kordhiso, sida uu sheegay Fabrizio Romano toddobaadkan.
“Liverpool, weli waxaa socda wadahadallo ku saabsan qandaraaska cusub ee Konate iyo Liverpool, laakiin [ma jiro] heshiis xilligan,” ayuu Romano ku sheegay kanaalkiisa YouTube.
Xiddiga reer France ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro Liverpool.
Be the first to comment