
Liverpool qorshe kama laha inay dalab ka gudbiyaan Marc Guehi bisha January, sida ay fahantay talkSPORT.
Dalab dhan £35 milyan oo loogu talagalay Guehi ayaa ku dhowaaday in la isku raaco maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga, iyadoo xitaa kabtanka Crystal Palace loo oggolaaday inuu maro baaritaanka caafimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Igor uu ugu biiray West Ham amaah uga yimid Brighton halkii uu ka tegi lahaa Palace ayaa sababay in dhaqaaqii Guehi uu ugu biiri lahaa Anfield la joojiyo.
Xiddiga qaranka Ingiriiska ayaa ka niyad jabay, isagoo hore Liverpool ugu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro, balse imaatinka daafaca dhexe Jaydee Canvot ee ka yimid Toulouse kuma filneyn Palace inay oggolaato bixitaankiisa.
Tababaraha kooxda, Oliver Glasner, ayaa si cad ugu sheegay guddoomiyaha Steve Parish inuu doonayo laba daafac oo cusub, ugu dambeyntiina guddoomiyaha Palace ayaa go’aansaday inay ka wanaagsan tahay xilli-ciyaareedka soo socda in la haysto Guehi, xitaa iyadoo la ogyahay inuu xagaaga dambe si bilaash ah uga tegi karo.
Sida ay fahantay talkSPORT, Guehi qorshe uguma jiro inuu saxiixo heshiis cusub oo Palace ah, sidaas darteedna wuxuu kaga tegi doonaa Selhurst Park kaddib Koobka Adduunka.
Hadda sida ay tahay, Guehi sidoo kale diyaar uma aha inuu dhaqaaq sameeyo bisha Janaayo maadaama uu rumeysan yahay in isbeddel suuqa kala iibsiga xilli-ciyaareed dhexdiisa uu carqaladeyn karo diyaarintiisa Koobka Adduunka.
Daafaca 25 jirka ah ayaa xagaaga dambe fursad u heli doona inuu ka doorto kooxo badan, iyadoo aan kaliya Liverpool wali xiiseynayn inay ku soo darsato si bilaash ah, balse sidoo kale ay suuragal tahay in Tottenham Hotspur mar kale xiiseyso.
Be the first to comment