
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Liverpool, Mohamed Salah, ayaan kooxdiisa u saadaalin ku guulaysiga premier league Xilli Ciyaareerdkan.
Salah ayaa taas bedelkeeda u doortay Arsenal in ay ugu dambayn ku guulaysato premier league Xilli Ciyaareerdkan.
Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad seddexdii Xilli Ciyaareerd ee ugu dambeysay.
Xilli ciyaareedkii hore, Arsenal ayaa ku dhameysatay 10 dhibcood ka hooseysa Liverpool, taasoo ku guuleysatay sanadkii ugu horeysay ee Arne Slot.
Balse Salah ayaa aaminsan inay markan soo afjari doonaan abaartii 20-kii sano ee lasoo dhaafay.
Isagoo la hadlayay AFTV xaflada PFA Awards habeenkii Salaasada, Salah wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inaad heysato koox weyn xilli ciyaareedkan, waxaad heysataa fursad fiican”.
“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal Ugu cad-cadahay ku guulaysiga premier league Xilli Ciyaareerdkan”.
Be the first to comment