Slot Oo Ka Hadlay Saxiixa Cusub Ee Giovanni Leoni Iyo Daafaca Lala Xidhiidhiyo Marc Guehi

Arne Slot ayaa xaqiijiyay heshiiska Liverpool ay kula gashay Parma daafaca dhexe ee da’da yar Giovanni Leoni, iyadoo tababaraha sidoo kale su’aal laga laga waydiiyay xiisaha Marc Guehi.

Liverpool ayaa isku diyaarintii Xilli Ciyaareerdka ku qaadatay kaliya laba daafac oo dhexe kuwaas oo kala ahaa Virgil van Dijk iyo Ibrahima Konate, laakiin waxa ay ku dhawyihiin saxiix Cusub oo daafaca ah.

Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca ka Ciyaara ee Giovanni Leoni kaas oo ay kala Soo wareegayso Parma.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor Bournemouth, Slot ayaa yiri Leoni: “kooxdu waxa ay heshiis la gaadhay Parma laakiin wali ma dhamaystirin heshiiska”.

“Marka ay kooxdu ku dhawaaqdo heshiiska waxa aan ka hadli doonaan intaas wax ka badan”

Tababaraha ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya daafaca Crystal Palace ee Marc Guehi iyada oo Labada Kooxood ka Wadahadalayaan qiimaha daafaca.

” Midka kale dabcan waa jawaabta aad mar walba iga hesho,” Slot ayaa sharraxay.

“Sababtoo ah ma ahan ciyaaryahankeena, nasiib daro wuxuu ahaa kabtanka kooxdii naga badisay Axadii”.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga