Virgil van Dijk Oo Sheegay Halka Saxiix Ee Ay Liverpool U Baahantahay Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaagu

Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday saxiixa uu doonayo in Liverpool ay samayso ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa ku dhawaad 300 milyan oo euro suuqa galisay iyada oo kula soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Florian Wirtz, Jeremie Frimpong iyo Milos Kerkez.

Maalgelinta culus ayaa, khabiiro badan, ka dhigtay Liverpool kuwa ugu cadcad si ay u sii xajistaan koobkii Premier League ee ay ku qaadeen Arne Slot xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee kooxda.

Laakiin Liverpool ayaa farta laga saaray xaqiiqada kadib guuldaradii ka soo gaadhay Crystal Palace kulan ka tirsanaa Community Shield-ka.

Liverpool ayaa laba jeer hogaanka u qabatay ciyaarta iyada oo ay u dhaliyeen xiddigaha Hugo Ekitike iyo Frimpong.

Inkasta oo ay kooxdu lacag badan suuqa galisay hadana Van Dijk ayaa aaminsan in ay kooxdiisu la soo saxiixato weeraryahan.

Van Dijk ayaa u sheegay talkSPORT:”Hagaag, waxa aan luminay Darwin Iyo waliba Diaz”.

“Waxa aan u malaynayaa in aan u baahanahay weeraryahan cusub laakiin aan eegno waxa dhaca”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga