
Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher ayaa ku adkeystay in Chelsea aysan waligeed ku guuleysan karin horyaalka Premier League sababtoo ah ma heystaan goolhaye sax ah.
Sida laga soo xigtay halyeeyga England Blues ayaa u baahan inay goolhayeheeda Robert Sanchez ku beddesho mid cusub xagaagan haddii ay doonayso inay ku guuleysato horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska.
Chelsea ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad xilli ciyaareedkii hore iyagoo sidoo kale xaqiijistay booskooda Champions League maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka.
Kooxda Premier galbeedka London ayaa sidoo kale ku guuleysatay labada UEFA Conference League iyo FIFA Club World Cup.
Waxa ay horay ula soo saxiixdeen xiddigo ay ka mid yihiin , Jamie Gittens, Jorrel Hato, Estêvão Willian, Joao Pedro iyo Liam Delap, laakiin Carragher ayaa dareensan in Blues ay wali u baahan tahay gool-haye cusub.
Waxa uu dhawaan ka hadlay The Overlap, Carragher ayaa yidhi: “Man United waxa ay bilawday ku guulaysiga horyaalada kadib markii ay la soo wareegtay Peter Schmeichel”.
“Man City ayaa bedeshay goolhayaheeda waxayna bilowday inay ku guuleysato horyaalka. Anaga [Liverpool] ayaa keennay Alisson, waxaana bilownay ku guuleysiga horyaalka. Chelsea ayaa bilawday ku guulaysiga horyaalka markii ay la soo wareegtay Petr Cech”.
“Taasi waa sababta aysan Chelsea ugu guuleysan karin horyaalka, wax kasta oo Chelsea sameyso ama lacag kasta oon ay suuqa galiso kuma guuleysan karaan horyaalka sababtoo ah ma aysan helin goolhaye ku guuleysta horyaalka.”
Be the first to comment