Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Alexander Isak

Xiddiga reer Sweden ee kooxda Newcastle United Alexander Isak ayaa aad ugu sii dhawaanaya in uu ku biiro Liverpool.

Maamulka Liverpool ayaa u arka Isak saxiixa mudnaanta leh, gaar ahaan maadaama weeraryahanka haatan ee Darwin Nunez uu boos ka waayay tababare Arne Slot sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa liitay.

Wargayska The Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in kooxda Newcastle United ay ka fikirayso saxiixa weerar yahanka reer Portugal ee Goncalo Ramos oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in liiska bartilmaameedyada Newcastle ee weeraryahan cusub uu sidoo kale ku jiro ciyaaryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko.

Isak 25 jir ah ayaa kooxda Newcastle kula jira heshiis ilaa 2028 dhacaya.

Isak wuxuu u ciyaaray Newcastle 109 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 62 gool, wuxuuna caawiyay 11 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga