
Kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Everton kulan ka tirsanaa isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka usub.
Man United ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Everton kulan uu Amorim shaxdiisa ku wada bilaabay saxiixyadiisa cusub.
Ciyaartan oo lagu marti galiyay garoonka Mercedes-Benz Stadium ee magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka ayaa waxaa Man United u dhaliyay gool ku laad daqiiqadii 19-aad xiddiga Bruno Fernandes.
Ciyaaryahan Iliman N’Diaye ayaa daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta goolka 1-aad u dhaliyay kooxda Everton isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Mason Mount ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka labaad ee Red Devils isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Everton ayay u suurtagashay in ay dhaliso goolka bar-baraha kadib weerar rogaal celis ah oo ay qaaday.
Ciyaartoyda labada kooxood ayaa daqiiqadihii ka haray isku dayay in ay dhaliyaan gool ay ku badiyeen, balse dadaalkooda ma noqon mid guuleestay, waxaana ay ciyaartu ku soo idlaatay barbaro aad u xiiso badan.
Manchester United ayaa sabtida soo socota ciyaari doonta kulankeedii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay la ciyaari doonto kooxda Fiorentina, halka Everton.
Be the first to comment