
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa wacad ku maray inuu kooxda horteeda ku ceebayn doono ciyaartoyda aan si fiican ugu tababaran.
Amorim ayaa bilaaban doona xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man united ee buuxa.
40-sano jirkaan ayaa bedelay Erik ten Hag bishii November ee la soo dhaafay, waxaana uu badiyay todobo ka mid ah 27-kulan ee uu hogaaminayay kooxda.
United ayaa ku dhameysatay kaalinta 15-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxaana ay guuldaro kala kulantay Tottenham Hotspur finalkii Europa League.
Amorim ayaa xiijiyay kooxdiisa suuqa xagaaga isaga oo la soo saxiixday Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo.
“Hadda way fahmeen markaan wax idhaahdo, waan samayn doonaa,” Amorim ayaa u sheegay suxufiyiinta Maraykanka.
“Ciyaartoyda ulama dhaqmo sida ilmo yar, laakiin hadda waxay leeyihiin sharciyo, taasina waxay bedeli kartaa habka aad u tababarto, mar walba meel sare ayaan ahay”.
“Hadii aanu Ciyaartoy kasta u tababaranin sida aan doonayo waxa aan Cid walba tusi doonaa in aanad si fiican u tababaranin”.
Be the first to comment