
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Dani Olmo, ayaa sheegay in kooxdu qabatay shadow ka wanaagsan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid marka laga hadlayo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Los Blancos ayaa la soo saxiixatay xiddigo magac sare leh, sida Trent Alexander-Arnold oo ka yimid Liverpool, halka Barça ay sidoo kale la soo wareegtay xiddigo waaweyn oo uu ku jiro Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United.
Ilaa hadda, kooxda Xabi Alonso waxay ku faantaa afar saxiix oo cusub, mid ka badan seddexda saxiix ee Barca.
Isagoo wareysi siinayay Cope, Olmo, oo u dhashay Spain, ayaa sheegay in Catalans ay qabatay shaqo ka fiican Mida Real Madrid.
“Waxaan sameynay saxiixyo ka fiican Real Madrid,” Olmo ayaa yiri.
Be the first to comment