William Saliba Oo Digniin U Diray Daafacyada Premier league Iyo Gyokeres Oo Sabab U Ah.

Xiddiga Arsenal William Saliba ayaa daafacyada premier League uga digay saxiixa cusub ee kooxda Arsenal ee Viktor Gyokeres.

Gunners ayaa si rasmi ah u shaacisay inay ku guuleysatay tartanka Gyokeres dhamaadkii Isbuucaan, iyadoo kooxdu ku dhawaaqday saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Sweden ayaa ah saxiixii 6-aad ee kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Markii La waydiiyay sababta uu ugu digay daafacyada premier League ayuu yidhi”sababta oo ah marka aad ka hor timaado Weeraryhan goolal dhalinaya waa in aad cabsataa oo diirada saartaa”.

“Laakiin hadda waxa uu ku jiraa kooxdeena, wuuna noo dhalin doonaa gool, marka taasi waa wax fiican”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga